Nin la tuhmayo in uu Sirdoon u ahaa Al Shabaab oo xabsi la dhigay

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay nin oday ah oo la tuhmayo in uu Sirdoon u ahaa Al Shabaab, waxaana ninkan lagu xiray magaalada Mandheera ee kutaala xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Backstone Agaro, oo 53 jir ah ayaa ciidamada booliiska dalka Kenya qabteen xili uu kasoo dagay gaari bas ah uu Mandheera ku yimid, waxaana ninkan la sheegay in dadka uu weediinayay jihada ay ka jirto Soomaaliya.

Ninkan ay ciidamada booliiska Kenya qabteen ayaa la sheegay in uu watay buug yar uu ku qornaa 100-magaalo oo katirsan dalka Kenya uu safaro ku tagay, waxaana sargaal katirsan booliiska Kenya sheegay in ay tuhmayaan in ninkan sirdoon u ahaa Al Shabaab.

Sarkaal ka tirsan qaybta la dagaallanka Argagixisada ee Kenya ayaa sheegay in Ninkani uu xabsiga ku jirayo muddo 7 maalmood ah oo ah muddada uu sharciga u oggol yahay intaasna baaritaan ku sameynayaan.

Ciidamada booliiska Kenya ninkan ay xireen ayaa sidoo kale la sheegay in uusan wadan wax telfoon ah oo laga tixraaci karo, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in ninkan lagu sameyn doono baaritaano adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -