Kenya oo sheegtay in Dacwadda badda lagu xalin doono qaab labada dal raali kawada yihiin

Waxaa maanta magaalada Nairobi kulan xasaasi ah ku yeeshay Madaxweynayaasha labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya, waxa ayna kawada hadleen arimo dhowr ah ay kamid ahaayeen xalinta xiisada diblumaasiyadeed ee labada dal u dhaxeysa.

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in kulankooda uu kusoo dhamaaday is afgarad ayna kawada heshiiyeen soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal.

Waxyaabaha labada Madaxweyne kawada hadleyn ayaa la sheegay in ay kamid aheyd arinta muranka badda ee labada dal u dhaxeysa, labada dhinac ayaana faah faahin badan ka bixin arinta kiiska badda ee laga wada hadlay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa qoraal ay Twitterka soo dhigtay ku sheegtay in dacwada taala Maxkamada ICJ qaab labada dhinac wada ogolyihiin ama raali wada yihiin lagu xalinayo.

Monica Juma ayaa tilmaantay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo u muujiyay kalsoonidiisa ah in arrinta ICJ lagu xallin doono qaab labada dhinac ay wada aqbali karaan.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiirada arimaha Dibadda Kenya ayaa kusoo aadaya xili Madaxtooyada Soomaaliya sheegtay in Madaxweyne Farmaajo tilmaamay in ay muhiim tahay in Dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aysan wax saameyn ah ku yeelanin xiriirka wanaagsan ee labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -