Suldaan Bashiir Muuse oo maanta lagu aasay magaalada Boosaaso (Daawo Sawirada)

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu aasay Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo shalay salaadii jimcaha lagu dhax dilay masaajid kuyaala magaalada Boosaaso.

Aaska Suldaanka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin katirsan maamulka Puntland, waxgarad, culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso, kuwaa oo aad uga murugeesnaa dilka loo geestay Suldaanka.

Dadkii kala duwanaa ee ka hadlay aaska loo sameenayay Suldaan Bashiir Muuse Koonte ayaa sheegay in uu ahaa nin wanaagsan oo bulshadu jacleyd, waxa ayna ilaah uga baryeen in janadii fardowso ka waraabiyo suldaanka.

Nin biskoolad ku hubeesnaa ayaa shalay xiligii salaada Jimcaha waxa uu masjid kuyaala magaalada Boosaaso ku toogtay Suldaan Bashiir Muuse Koonte , waxaana goobta ka baxsaday ninkii dilkaasi fuliyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -