Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaxweyne abaal mariyey Wiil dib u celiyey lacag adag oo uu wadada ka helay

Madaweynaha Liberia, George Weah ayaa soo dhoweyn sharafeed u sameeyey 18 jir ku shaqeysa mootada, kaasoo helay $50,000 oo dollar una celiyey haweeney ganacsato ah, oo lacagtii kaga luntay gobolka waqooyi bari ee Nimba.

Weah, ayaa kula kulmay Emmanuel Tolue xaflad ka dhacdey caasimada magaalada Monrovia, isagoo guddoon siiyey lacag iyo deeq waxbarasho.

Ninkan yar ee ku shaqeysta mootada,ayaa maalmihii u danbeeyey noqday geesiga qarankiisa, ficilkii uu sameeyey darteed.

Madaxweynaha ayaa ku ammaaney Mr. Tuloe dareenkiisa gaarka ah, anshaxa iyo inuu yahay muwaadin macna leh, isagoo u noqon kara tusaale ay ku daydaan dadka kale ee reer Liberia.

Hoggaamiyaha Liberia, ayaa balan qaadey inuu u aqoonsan doono qof martabad weyn kaga jira dalkani, isagoo ku abaal marin doono ninkani dhalinyarada ah mid kamid ah abaal marinada uggu sarreeya Liberia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Shirkada Facebook oo Khasaaro badan kala kulantay Ciladii xalay ku timid !

Cabdi Cade

Deni iyo Madax kale oo maanta ku soo wajahan Muqdisho iyo arrimo ku soo kordhay Shirka beri

Caydiid Ali

Shirkii Madaxda DF & dowlad goboleedyada oo maanta furmaya & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---