Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Meydka Wiil Dhalinyaro ah oo saakay lagu arkay magaalada Muqdisho

Waxaa saakay aroortii Degmada Waabari gaar ahaan agagaarka Hotelka Kuwait Plaza oo saaran Laamiga Maka Al Mukarama lagu arkay meydka wiil dhalinyaro ah oo halkaasi yaalay.

Dadka deegaanka ee Meydka Wiilkan dhalinyarada ah arkay ayaa sheegay in wiilkan ay dishay koronto kadib markii uu isku dayay in baale koronto oo halkaasi kuyaalay uu ka furto qalab ku xirnaa.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa meydka u qaaday xarunta Dambi baarista CID-da si baaritaano loogu sameeyo waxa keenay geerida wiilkan dhalinyarada ahaa.

Ma ahan markii ugu horeesay oo koronto disho rag doonayay in ay furtaan qalab ku xiran baalooyinka korontada, sanadkii hore ayey markii isaga oo baalle dul saaran dhintay nin la sheegay in uu qalab ka furanayay baale kuyaala duleedka Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

C/raxmaan C/shakuur oo Su’aalo ka keenay hadalo ku jiray wareysigii Farmaajo

Caydiid Ali

Maxkamada G/Banaadir oo 30 cisho u qabatay Masuuliyiin loo heysto musuq

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Musharaxa ugu cad cad oo….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---