Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Musharaxa ugu cad cad oo….

Magaalada Muqdisho Hoteelo kuyaala waxaa olole xoogan ka wada qaar kamid ah Musharixiinta u taagan xilka Gudoomiyaha golaha Shacabka oo lagu wado in beri oo isniin ah lagu doorto Muqdisho.

Musharaxiinta doorashadan ku taramaya oo gaaraya ilaa 11 Musharax ayaa qaarkood ololaha ay wadaan si weyn looga dareemayaa Muqdisho halka Musharaxiin kalana doorashada ku galayaan ku nasiibso.

Xildhibaanada golaha shacabka qaarkood ayaa si weyn uga qeyb qaadanaya ololaha ay wadaan Musharaxiinta , waxaana mashquul badan laga dareemayaa Hoteelada iyo guryaha ay dagan yihiin Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha.

Sida aan Wararka ku heleyno Musharax Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ololaha ugu xoogan ka wada Muqdisho, waxa uuna Musharaxan la kulmay inta badan Xildhibaanada Aqalka hoose kana codsaday in codkooda ku taageeraan.

Musharax Mursal ayaa taageero badan ka heesta labada Garab ee Xildhibaanada Mucaarad iyo Muxaafid, waxa uuna Musharaxan Xildhibaanada ku qanciyay in codkooda siiyaan si uu ula yimaado waxqabad muuqda .

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa ah nin saameyn badan ku dhax leh Xildhibaanada, waxaana Mursal loo saadaalinayaa in uu ku guuleesan doono codad badan.

Musharaxiinta qaar ayaan wadin olole balaaran ay ku doonayaan in ay ku helaan codadka Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxa ayna Xildhibaanadan aaminsan yihiin in ay nasiib kusoo bixi karaan.

Si kastaba maalinta beri oo isniin ah ayaa la filayaa in doorashada ka dhacdo xarunta Golaha Shacabka laguna doorto Gudoomiyaha, waxaana suurto gal ah in Musharaxiinta Doorashada kahor ay tanaasulaan.

Ololaha Doorashada ayaa caawa la filayaa in uu sii xoogeesto, Musharaxiinta qaar ayaana laga yaabaa in ay helaan dhaqaalo badan ay ku raadinayaan codka Kalsoonida Xildhibaanada wax dooranaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

- Advertisement -