C/raxmaan C/shakuur oo Su’aalo ka keenay hadalo ku jiray wareysigii Farmaajo

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur warsame ayaa su’aalo ka keenay hadalo ku jiray wareysigii uu xalay telefishinka Universal siiyey Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay arrimo badan oo khuseeya xaalada Somalia.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay nin madaxweyne farmaajo uu sharci daro ku sifeeyey doorashadii uu isagu ku soo baxay ee 2016-kii ka dhacday dalka, isagoo isweydiiyey sida uu madaxweyne ku noqday hadii doorashadaas ay aheyd mid sharci daro ah.

Hoos ka akhriso Qoraalka C/raxmaan C/shakuur Warsame uu soo dhigay bartiisa facebook.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu waraysigiisa uu Universal siiyey ku sheegay in doorashadii 2016 kii dhacday aysan sharci ahayn oo ay Dastuurka dalka waafaqsanayn. Waxaan ka rabnaa in uu noo sheego sida uu Madaxweyne ku yahay? Mise inqilaab ayuu dalka ku qabsaday sida dhaqankiisa ka muuqata? Mise fariin hor dhac waaye oo ka dhigan doorasho uu isagu qaban in aysan sharci ahayn?

Waxaan kaloo ka rabnaa in uu noo sharaxo sida ciidanka uu Gedo ku dhurayo xadka Soomaaliya u difaacayo, iyadoo ay Kenya ciidankeedii gudaha Soomaaliya ku jiraan, mise dhabarkeedu xadka ka Ilaalinayaa? Sideey Itoobiya ku joojisay faragelinta Soomaaliya, sow tii ay isku maqaam ku qaabishay isaga Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, mise Madaxweyne Farmaajo Somaliland wuxuu u aqoonsaday dal aynu deris nahay?

Waraysiga waxaa iiga soo baxay in Madaxweynaha iyo wiil aan adeerkiis ahay oo Facebook ka difaaca ay isku garasho siyaasadeed yihiin, sababtoo ah fadhi ku dirirkii uu wiilku Facebook la fadhiyey ayuu Madaxweynihii fagaaraha la yimid. Haddii garasheedana lagu soo xadgudbo waa in aan is difaacnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -