Madaxweyne Museveni oo mar kale ka dhawaajiyay hadalo gaf ku ah Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, ayaa mar kale goob fagaare ah kaga dhawaajiyay hadal gaf ku ah magaca Soomaaliya, waxa uuna  dalka iyo dadka Soomaaliya usoo qaatay tusaale xun.

Yoweri Museveni ayaa Soomaaliya ku tilmaamay meel aan laga xushmeyn dumarka laguna dhibaateeyo, waxa uuna askarta dalkiisa ee dhibaateeya Dumarka Uganda iyo kuwa aan anshaxa laheyn ugu baaqay in ay codsi soo qortaan si Soomaaliya loogu diro.

Madaxweynaha Uganda ayaa si weyn uga carooday askari Ugaandhees ah oo dharbaaxay haweeney u dhalatay dalkaasi, waxa uuna shaaciyay in sharci daro tahay in haweenka gacan loo qaado ama dhibaato la gaarsiiyo.

Waxa uu ugu baaqay Museveni askarta aanan dooneyn ku dhaqanka sharciga inay codsi soo qoraan si Soomaaliya loo geeyo, isaga oo tusaalaha u soo qaatay in Soomaaliya uusan ka jirin ku dhaqan sharci in iyo la xaqdhooro dumarka.

“Askari in uu dumar dharbaaxo ama ku qayliyo qof reer Uganda ah waa wax aan laga aqbali karin, waana gafweyn oo Bulshadda ceeb ku ah, Askarta aan la heyn Asluubta wanaagsan oo aan bulshadda la dhaqmi karin, waxaan u direynaa Soomaaliya oo ah meesha dhaqan xumadda siddaan oo kale ah looga baahan yahay, Haddii aad careysan tahay waxaad i weydiisan kartaa dal ku galka Soomaaliya , Maxaa yeelay halkaasi ayaa looga baahan yahay Gardarada.” Ayuu yiri Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Uganda ayaa ah gaf kale uu u geestay dadka iyo dowlada Soomaaliya, waxa uuna horey u shaaciyay Madaxweynaha Uganda in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad ,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -