Xildhibaanad ka tirsan Senatka Maraykanka oo shaacisay in la kufsaday

Xildhibaanad ka tirsan aqalka Senatka ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay inuu kufsaday sarkaal iyada ka sarreeysay markii ay ka tirsanayd ciidammada cirka.

Martha McSally oo ahayd gabadhii u horraysay ee duulisa diyaarad ay ciidammada Maraykanku leeyihiin oo dagaal ku jirta ayaa hadalkan ka sheegtay iyadoo la dhagaysanayo xog ku saabsan tacaddiyada galmada ee milatariga dhexdiisa ka dhaca.

Gabadhan oo laga soo doorto gobolka Arizona kana tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegtay in aysan arrintan shaacinin iyadoo dareemaysa wajigabax isla markaasna aan ku kalsoonayn hannaankii lagula tacaalayay arrintaas.

Xildhibaan McSally aayaa guddi hoosaadka aqalka Senat-ka ee ciidammada qalabka sida u sheegtay Arbacadii inay sannado badan ka aamusnayd arrintan.

“Balse markii muddo laga soo wareegay ee fadeexooyin badan ay ka dhaceen milatariga, jawaab fiicanna aan laga bixin ayaan istusay in aan u baahanahay in aan dadka qaar la wadaago wixii i qabsaday. Waayo anigaba dhibbaneyaasha ayaan ka mid ahaa.

Dacwooyinka tacaddiyada galmada la xiriira ee milatariga Maraykan ayaa sare u kacay 10% sannadkii 2017kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -