Gaariga ugu Xawaaraha dheer Caalamka oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Bandhiga baabuurta ee lagu qabtay Magaalada Geneva ee caasimada dalka Switzerlan waxaa lagu soo bandhigay baabuurtii ugu dambeesay ee caalamka lagu sameeyo gaar ahaan kuwa ugu quruxda iyo orodka badan.

Shirkadaha kala duwan ee baabuurta sameeya ayaa bandhigan uga faa’iideestay in ay Suuqa soo dhigaan baabuurta ay sameeyaan , waxaana bandhiga baabuurta lagu soo bandhigay qaarkood noqdeen kuwo aad loogu riyaaqay.

Baabuurta lagu soo bandhigay Geneva waxaa kamid ah gaari ay sameysay shirkada laga leeyahay Talyaaniga ee Automobili Pininfarina Battista, waxa ayna shirkadan soo bandhigtay gaari nuuciisa  aan horey loogu arag dunida.

Gaariga ay shirkadan soo bandhigtay oo loo farsameeyay si qurux badan ayaa la sheegay in uu yahay kan ugu orodka badan caalamka, waxaana gaarigan Saacadiisa ay gaari kartaa  250 m, gaarigan ayaana mudo sanad ah kaliya jira.

Shirkada gaarigan sameesay ayaa sheegtay in uu gabi ahaantiisa ku shaqeenayo koronto, waxaa sidoo kale gaarigan casriga ah awoodda fariinkiisa u dhiganta labo jibaar awoodda gaadiidka caadiga ah.

“Awoodiisu waa mid waalli ah, gaarigan wuxuu leeyahay bandhig heer sare ah wuxuuna ku shaqeeya awoodda korontada, waa gaari aad u orod badan si qurux badana loo farsameeyay. Ayuu yiri Michael Perschke oo ah madaxa shirkadda Automobili Pininfarina.

Magaalada Geneva ayaa bandhiga baabuurta ee ka socda lagu soo bandhigay baabuur kala duwan oo ah kuwii ugu dambeeyay ee lasoo saaray, waxaana gaadiidka lasoo bandhigay yihiin kuwa aad u qurux badan oo lagu iibsanayo lacag waali ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -