Qoorqoor oo ka qeyb galay Munaasabad weyn oo ka dhacday Guriceel (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa degmada Guriceel kaga qeyb galay munaasabad lagu caleema saraay maamulka cusub ee Degmada oo dhawaan la doortay.

Munaasabadda caleema saarka gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenka Degmada Guriceel oo dhawaan ay doorteen Golaha deegaanka ayaa sidoo waxaa ka qeyb galay xubno ka mid ah labada gole ee Dowlada Fadaraalka, Dowlada Galmudug, Maamulka Gobalka, Maamulada Degmooyinka Galmudug, iyo Bulshada Degmada Guriceel.

Qoorqoor ayaa u hambalyeeyay gudoonka cusub ee Degmada Guriceel isagoo ugu duceeyay in Eebbe la garab galo masuuliyadda culus ee loo doortay.

Madaxweynuhu, wuxuu sidoo kale bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, oo dardar gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug.

Qoorqoor oo horey u soo maray degmooyina Caabudwaaq iyo Balanbale ee isla gobolka Galgaduud ayaa labadaas degmo kaga soo qeyb galay caleemo saarka maamulo cusub oo loo doortay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -