Somalia oo ashtako ku saabsan khilaafka Badda ee Kenya u dirtay Q/Midoobay

Xukuumada Soomaaliya ayaa cabasho ka dhan ah dowladda Kenya u gudbisay Qaramada Midoobey kaasoo ku saabsan sheegashada kenya eela xiriirta qeyb ka mid ah badda Somalia.

Qoraalkan ayaa la diray ka hor inta aysan kulmin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya oo ku heshiiyey in la wanaajiyo xiriirka labada dal.

Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa dacwaddaan u gudbiyay Golaha joogtada ah ee Qaramada Midoobay taasoo uu ku beeniyay sheegashada Dowladda Kenya ay sheeganayso inay Soomaaliya xaraasheyso badda ay labada Dowladood ku muransan yihiin.

“Marna dowladda Soomaaliya kama suurowdo inay iibiso ama xaraashto dhul-badeedka kenya sheeganeyso, Waxayna dowladda Somalia sugeysaa natiijada kasoo baxda Dacwada hor-taalla Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, taasoo lagu wado inay go’aan ka gaarto sanadka 2020-ka,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo sidan u qornaa:- Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Muqdisho-Somalia Allbanaadir@live.com

- Advertisement -