Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada dowlada oo dagaal kula wareegay degaan ka tirsan Sh/hoose

Ciidamada xoogga dalka ayaa maanta weeraray degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose oo ay gacanta ku hayeen xoogaga Al-Shabaab.

Howlgalka oo laga fuliyey degaanka Sabiib ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaa intii uu socday ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab dhexmaray dagaal culus oo hub kala duwan la isku adeegsaday

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxay sheegeen inay Al-Shabaab kala wareegeen degaanka Sabiib, sidoo kalena dagaalkii dhacay ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Al-Shabaab kama hadlin warkan kasoo yeeray saraakiisha Ciidamada xoogga dalka, mana jiraan warar madax banaan oo ka hadlaya khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyo sida ay wax u dhaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

K/Galbeed oo amar cusub soo saartay ka dib xanibaadii C/wali Muudey (Akhriso)

Caydiid Ali

Golaha shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeed muhiim ah oo la horgeeyay

Cabdi Cade

Guddiga Joogtada oo kulan deg deg ah ka yeelanaya Mooshinka Jawaari laga gudbiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---