Milatariga Iran, ayaa maanta mar kale weerar culus oo gantaalo ah waxa ay ku qaadeen magaalooyinka Tel Aviv iyo Qudus ee maamulka Israa’iil, waxa ayna Iran si gaar ah weerararooda ugu beegsadeen xarumo ciidan oo bartilmaameed u ahaa.
Weerarkan Iran saakay fulisay ayaa loo adeegsaday gantaalo culus oo dhallin kara khasaarooyin badan, waxaana gantaalahan qaarkood ku dhaceen bartilmaameedydaii loogu tala galay, sida laga soo xigtay saraakiil katirsan dowladda Iran.
Afhayeen u hadlay wasaaradda Difaaca dowladda Iran, ayaa sheegay inay ciidanka Iiraan, weerarradii ay maanta ku qaadeen magaalooyinka Tel Aviv iyo Qudus u adeegsadeen gantaal nuuc cusub oo leh awood dheeraad oo wax burburin ah.
Waxa uu sheegay afhayeenka in gantaaladan saakay adeegsadeen in uu burbur ka dhaliyay xarumaha hay’adaha amniga Israa’iil, gaar ahaan xarunta ay leeyihiin sirdoonka Israa’iil ee Mossad iyo taliska ciidanka milatariga Israa’iil.
Gantaaladan casriga ah ee lagu dhuftay xarumaha Mossad iyo tan muilatariga Israa;’iil, ayaa la sheegay in burbur xooggan dhaliyeen, lamana shaacin ilaa hadda in weerarkan ka dhashay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com