Madaxweyne Farmaajow Sidaan Laguma Noqdo Saadaad-kii dalka Masar !!

Haddii aan iska indho tirno wixii dhacay oo aan dhahno Farmaajo”junior partner” kama aha bariga dhexe, aan kasoo qaadno in aan shalay miiska loo garaacan, in aan lagu qasbin tagidda Nairobi ama xataa markii loo sheegay in Uhuru ka xanaaqsan yahay in aanu dhihin sidii caruurtii “Sidaas miyaa, Walaalkeen anigaa u hoyanaa, oo raalli gelinaa”!!, waxaas oo dhan aan meel dhigno, oo aan kasoo qaadno in Farmaajo iska dhigayo Saadaat-ka 2019!!

Xaqiiqda jirta waa in Kenya ay careysantahay, isla markaana ay qaadey tallaabooyin xiisadda kiciya iyada oo hoos u dhigtay matalaadda diblomaasiyadeed ee labada dal, kuna qanci weysay qoraalo ay toos ugu dirtay dowladda Soomaaliya, dalbatana gacan seddexaad(Itoobiya Iyo Eritrea”, marka ay xaaladda halkaasi mareyso, waa in howshu dhameeyaan dalalka dhexdhexaadinta wada, weliba goob dhex-dhexaad ah, laakin qof fudeyd qabo, caadifad ka buuxdo, oo aan heysan khubaro diblomaasiyiin ah, ogeynba in diblomaasiyadda ay tahay qab iyo meel lagu cabiro awoodda dalka isla markaana aan ka fakareyn sumcad iyo qarannimo, looma soo qaadan karo buug diblomaasiyadeed!!

Madaxweynaha Masar Anwar Saadaat ayaa horay cadaw ugu tagay, Laakin Saadaat waxaa uu tagay Israel 1977, waana markii uu ku adkaadey dagaalkii 1973-dii, dhulkiisana ka qabsaday, waxaa uu marka hore safarka u sheegay dadkiisa iyo baarlamaankiisa , isaga oo markaasi kadib ka degay Qudus, lana kulmay ra’isul wasaare Menachem Begin, kana hor khudbeeyey Knesset ama baarlamaanka Israel, una sheegay inuu dhulkiisa ka soo ceshaday, haddana uu nabad rabo, waana ku guuleystay. Maanta Farmaajo bal muxuu u sheegayaa Uhuru?! waa nin dhulkiisa ku heysto, waa nin safiirkiisa soo ceyriyey, waa nin qoraalo rasmi ah ka diiday?!!

Tan iyo burburkii Soviet-ka dunida waxaa ka jirtay hal super power oo Mareykan ah, diblomaasiyadda Mareykanka waa iney u yeeraan cidda ay wax ka tabanayaan, ma arrintaas ayaa ka socoto barig Afrika?!! Teeda kale tillaabada Farmaajo qaaday, isaga si caadifad ku jirto, oo shakhsi ah ayuu u qaaday, oo dal iyo dad kama fekerin, laakin waxaa lagu qorayaa taariikhda loolanka bariga Afrika inay jirtay in mar uu khilaaf soo kala dhex-galay Kenya iyo Soomaaliya, oo dalka hore ceyriyey safiirkii Soomaaliya, kiisana u yeertay, in madaxweyne Soomaaliyeed loo wadey Nairobi si uu raaligelin u bixiyo. Ha iloobin, sidii horay loogu qoray buugta in diblomaasi UN ah ay u adeegsadeen “persona non grata”!!

W/Q Abdiaziz Ahmed Mohamed Gurbiye

Fiiro Gaar ah : Qormadan wax shaqo kuma lahan Allbanaadir waxa ayna u gaar tahay qoraha ku saxiixan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -