Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Raisul Wasaare Khayre iyo danjire Ben Fender?

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacowday Soomaaliya Danjire Ben Fender.

Mudane Xasan Cali Khayre iyo danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacowday Soomaaliya Ben Fender ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada Dal gaar ahaan dhinacyada amniga dhaqaalaha iyo arimaha bulshada.

Danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacowday Soomaaliya Ben Fender ayaa badalay Danjire Danjire David Concar, kaasoo Muddo Xileedkiisa uu dhammaaday.

Danjiraha cusub oo dhowaan warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyey madaxweyne Farmaajo ayaa balan-qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dowladood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Joogtaynta AMISOM Soo Maaha Dib Ha Loo Dhigo Hanaqaadka Xoogga Dalka Soomaaliyeed?

Cabdi Cade

Boqolaal askari oo ku dhintay dagaalka ka soo cusboonaaday Azerbaijan & Armenia

Caydiid Ali

Dowladaha Somalia iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis kale oo xasaasi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---