Wararkii Ugu Dambeeyay qarax khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Waxaa barqadii maanta qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay laamiga dheer ee degmada Dayniile gaar ahaan meel ku dhaw aargada, waxaana qarxaaasi ka dhashay khasaaro kala duwan.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa lala eegtay gaari nuuciisu yahay Prado oo la sheegay in ay la socdeen ciidamo katirsan milatari Soomaaliya, kuwaa oo xiliga la qarxinayay laamiga marayay.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay askari katirsanaa ciidanka milatariga halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo labo kamid ah yihiin shacab halka kan kalana lagu sheegay in uu yahay sargaalkii watay gaariga la qarxiyay.

Ciidamada ammaanka degmada Dayniile ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka qaadeen dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa, waxa ay sidoo kale aagaasi ka sameeyeen baaritaano.

Xaalada goobtii uu qaraxu ka dhacay ayaa hada degan kuna soo laabatay sidii caadiga aheyd, ciidamada ammaanka oo xiray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaana markii dambe goobta isaga tagay, mana la sheegin dad loo soo qabtay qaraxaasi ku lug lahaanshihiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -