Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo booqday Xabsiga Dhaxe ee Xamar (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeer ku tagay Xabsiga Dhaxe ee Xamar oo ay ku xiran yihiin Maxabiis danbiyo kala duwan ku xukuman.

.Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay wehliyaan Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmad iyo senataro ayaa  ku soo  wareegay qeybaha xabsiga, iyagoo u kuur galay xaalada maxaabiista.

Waxaa ku soo dhaweyay xabsiga taliyaha ciidanka asluubta soomaaliyeed Sareye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil kale.

Masuuliyiintaan ayaa booqday maxabiista iyagoo ka xog wareysteen cunooyinka ay cunaan iyo jiifka sidoo kale wax ay soo arkeen maxabiis uu taliska barayo garaacista noocyada kala duwan ee muusigada si dhalinyarada ay u helaan xirfado ay ku shaqeystaan markii uu dhamaado xukunkooda.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa taliyaha ciidanka asluubta ku amaanay sida uu masuuliyad isga saaray in maxaabiista ay helaan nolol dhameystiran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dab qabsaday Suuqa Laascaanood iyo Boolis goobta gaaray oo la weeraray

Caydiid Ali

Israel oo go’aan cusub ka soo saartay Muslimiinta Maraykanka ee dalkeeda booqanaya

Caydiid Ali

Loolanka Farmaajo iyo Rooble ee Warbaahinta Qaranka oo weji cusub yeeshay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---