(Sawirro) Dab qabsaday Suuqa Laascaanood iyo Boolis goobta gaaray oo la weeraray

Wararka ka imaanaya magaalada Laascanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in caawa dab uu ka kacay qeybo ka mid ah suuqa hilibka iyo khudaarta ee magaaladaas.

Gaadiidka Dab-damiska iyo shacabka qaarkood oo gurmad sameeyey ayaa ku hawlan sidii loo bakhtiin lahaa dabkaas oo aan la sheegin illaa hadda sababta kicisay.

Waxaa goobta soo gaaray ciidamada Booliiska Laascaanood oo sugayey amaanka goobta uu dabku kacay.

Sida wararku sheegayaan qaar ka mid ah dadweynihii goobta ku sugnaa ayaa weerarat ciidankii Booliska ee halkaas gaaray, iyagoo ku tuuray dhagxaan iyo waxyaabo kale oo waxyeelo u geystay gaadiidka ay wateen Booliska, kuwaasoo qaarkood laga jejebiyey Muraayadaha.

Dadka tuuryada sameynayey ayaa ka careysnaa dadkii ciidamada Somaliland ku dileen dibed baxyadii dhawaan xisbiyada mucaaradku ka sameeyeen magaalooyin ka tirsan Somaliland kuwaasoo looga soo horjeeday Madaxweyne Muuse Biixi.

Taliyaha Booliska Somaliland ee gobolka Sool oo goobta dabku kacay kula hadlay warbaahinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in shacabku tuuryeeyaan boolis u soo gurmaday, isagoo dadka falalkaas ku kacaya ugu baaqay iney ka waantoobaan, gacana siiyaan ciidanka Booliska.

- Advertisement -