Israel oo go’aan cusub ka soo saartay Muslimiinta Maraykanka ee dalkeeda booqanaya

Israa’iil ayaa sheegtay inay u oggolaanayso dhammaan muwaadiniinta Maraykanka ah, oo ay ku jiraan Falastiiniyiinta haysta dhalashada Maraykanku inay si fudud ugu safri karaan Israa’iil iyaga oo adeegsanaya garoomada caalamiga ah.

Arrintan ayaa daba socota, dedaalka ay Israa’iil ku doonayso sidii muwaadiniinta dalkeedu ay u heli lahaayeen adeega Visa la’aanta ee Maraykanka.

Illaa 40 dal ayaa Maraykanku u ogolyahay inay dalkiisa ugu safraan Visa la’aan, kuwaas oo ay ku jiraan dalal ku yaalla Yurub iyo qaaradda Asia.

Hase ahaatee codsiga Israa’iil ayaa si weyn loo hor-istaagayey iyada oo dawladda Maraykanku ay ka dalbanaysay in Israa’iil ay si siman ula dhaqanto muwaadiniinta haysta dhalashada Maraykanka, oo ay ku jiraan kuwa asal ahaan ka soo jeeda Falastiin, kuwaas oo Israa’iil ay ka hor istaagto inay dalkaas ka galaan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Ben-Gurion ee Israa’iil.

Xubnaha doonaya inay u safraan Daanta Galbeed ee la haysto iyo marinka Qaza ayaa ka soo gala xuduudaha Jordan iyo Masar.

Muwaadiniinta kale ee Maraykanka ah ee asal ahaan ka soo jeeda dalalka carabta ama dalalka Muslinka ah ama kuwa sida weyn u dhaleeceeya siyaasadaha Israa’iil ayaa sheegay inay la kulmaan xannibaado kala duwan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegay inaanay dawladda Maraykanku kormeerayn oo keliya dhaqan-gelinta siyaasadahan, hase ahaatee ay si dhow isha ugu haynayaan sida rasmi ahaan loogu hoggaansamo siyaasadahan, taas oo gogosha u xaadhaysa in bisha September go’aan laga gaadho in Israa’iil loo ogolaado in muwaadiniinteedu ay Maraykanka ku iman karaan Visa la’aan iyo inkale.

La-taliyaha amniga qaranka ee Israa’iil ayaa sheegay in siyaasahani ay dhaqan-geli doonaan maalinimadan Khamiista, taasoo sii xoojin doonta xidhiidhka labada dal. Isaga oo rajo badan ka muujiyey in tallaabadani ay dalkiisa u sahli doonto inuu helo adeegyada visa la’aanta ee Maraykanka.

Israa’iil ayaa si aad ah uga gaabsatay inay adeegsato kelmedda Falastiiniyiinta, hase ahaatee waxay isticmaaleen, inay muwaadin kasta oo Maraykan ah oo ay ku jiraan kuwa haysta labada dhalasho ay u fududayn doonaan socdaalka.

VOA/AP

 

- Advertisement -