Bukaan Reer UK ah oo noqday qofkii labaad ee abid laga daweeyey HIV/AIDS

Bukaan ku nool dalka UK ayaa la sheegay in markii la baaray jirkiisa laga waayay cudurka HIV-ga oo uu markii hore qabay, sababtana waxa ay tahay kadib markii lagu talaalay unugyo cusub, kuwaasoo looga bixiyay qof dhintay oo la sheegay in jirkiisa uu lahaa adkaysi badan.

Balse dhaqaatiirta ayaa ka foojigan inay ku dhawaaqaan in dawo loo heley HIV-ga oo la ogyahay in uusan wax daawo ah lahayn.

Waa qofkii labaad oo qaabkan lagu daweeyo, waxayna cilmi baarayaasha sheegeen in qaabkan uu yahay mid aanan ku habboonayn dadka xanuunada kale ka fayow ee balse qaba HIV-ga oo isugu horseeda cudurka AIDS-ka.

Bukaankan oo aan magaciisa la shaacin ayaa joojiyay qaadashada dawooyinkii kaalmaatiga ahaa ee HIV-ga.

10 sanno ka hor, Timothy Brown ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee gabi ahaanba laga daweeyay cudurka HIV-AIDS kadib markii lagu shubay dhuuxa lafaha oo uu leeyahay qof dhintay oo adkaysi u lahaa cudurada jirka soo weerara.

Dhaqaatiirta ayaa waxa ay hadda sheegayaan in ay caddeyn u heleen in bukaankii hore uusan ahayn arrin qariib ah, maadaamaa isla qaabkii la marayna ay xaqiiqadu tahay in habkan uu yahay mid shaqayn kara sida uu qabo Prof Ravindra Gupta.

Hase yeeshee waxaa sii jiraya waxyaabo cudurka ka mid ah oo jirka kusii haraya, kuwaas oo siyaabo kale xal loogu heli karo, iyadoo Dhaqaatiirtu sheegeen in natiijada ay tahay mid dhiirogalin leh oo si weyn u mudan in la soo dhoweeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -