Ra’isul Wasaare Kheyre oo la filayo in Isku Shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada iyo…

Warar hoose oo laga helayo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in ay socdaal qorshe uu Ra’iasul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya uu golihiisa Wasiirada ugu sameenayo isku shaandheyn.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa in uu isku shaandheyn ku sameeyo qaar kamid ah golihiisa Wasiirada, waxaana Wasiirada qaar weyn doonaan xilkooda halka kuwa kalana suurto gal tahay in la isku bedelo.

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya ayaa u badan Xildhibaano katirsan golaha shacabka Soomaaliya, waxaana suurto gal ah Xildhibaanada Wasiirada ah qaarkood hadii xilka laga qaado in Mucaaradka ku xirtaan.

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajho ayaa la sheegay in marar badan ka tashadeen isku shanadheynta golaha Wasiirada, waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in wali si buuxda aysan isugu raacin wasiirada baxaya iyo kuwa lagu badelayo.

Waxaa la hadal hayaa in isku shaandheynta ay saameyn badan ku yeelato Wasiirada qaar oo saameyn badan ku leh golaha Wasiirada, waxaana mudooyinkii dambe socday olole lagu dalbanayay in Wasiirka Amniga xilka laga qaado ama loo bedelo Wasaarad kale.

Waxaa marar badan soo baxday in Ra’isul Wasaare Kheyre uu isku shaandheyn ku sameenayo golihiisa Wasiirada , hasa ahaatee waxaa socon waayay qorshahaasi kadib cadaadis dhinacyo kala duwan ka yimid.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safar uu mudo labi maalin ah ugu maqnaa dalka dibadiisa, waxaana la filayaa in Ra’isul Wasaaraha uu dar dar galiyo qorshaha isku shaandheynta golihiisa Wasiirada maalmaha soo aadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -