Meydka Haweeney Soomaali ah oo laga helay guri kuyaala magaalada San Diego

Meydka Haweeney Soomaali ah ayaa laga helay dhismaha guri ay ka degneyn magaalada San Diego ee dalka  Mareykanka, waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo cidii ka dambeysay dilkaasi.

Muna Kuri oo da’deeda lagu sheegay 36-sano jir ayaa meydkeeda laga helay qol ay dagneyd, waxaana jirka haweeneydan dhimatay qeybo kamid ah lagu arkay jirdil ka muuqday sida booliiska sheegeen.

Ehelada Haweeneydan meydkeeda la helay ayaa sheegay in la weysanaa tan iyo sabtidii, waxaana gurigeeda markii ay tageen xubno ehelkeeda kamid ah ku arkeyd iyada oo meyd ah oo qolkeeda dhax taala.

Ciidamada dambi baarista magaalada San Diego ayaa bilaabay baaritaano ku aadan dilka haweeneydan Somaaliyeed iyo cidii ka dambeysay, mana jiro ilaa hada cid loo soo xiray dilka Gabadhan Soomaaliyeed.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafada ay ku nooleyd haweeneydan meydkeeda la helay ayaa sheegay in ay aheyd qof dabci wanaagsan, waxa ayna dareen murugo leh ka muujiyeen dhimahadeeda.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa ka dhaca dilal loo geesto Muwaadiinta asalkoodu Soomaaliga yahay, waxaana dilalka dalkaasi ka dhaca mararka qaar  la sheegaa in ay isku geestaan Soomaalida dhaxdeeda oo koox koox u abaabulan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -