Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Afar qodob oo ay ka wada hadlayaan Madaxweyne Farmaajo & RW Abiy (Daawo Sawirro)

Dowladda Itoobiya aya shaacisay qodobadda ugu muhiimsan ee ay ka wadahadlayaan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Sida uu shaaciyey Xafiiska Ra’iisal wasaaraha dalkaasi, arrimaha ugu muhiimsan ee wadahadalka labada dal ayaa ku saabsan fulinta heshiisyo ay hore u galeen labada dal oo ku saabsan nabadda Gobolka iyo qoddobo kale oo ay ka mid yihiin:

1- Fulinta Heshiisyadii hore loo saxiixay ee xoojinta nabadda Gobolka.

2- Qaabka lagu xoojin karo xiriirka labada dal ee Kenya iyo Somalia.

3- Sii wadista horumarinta wadajirka ah ee Dekadda (lama magacaabin)

4- Hagaajina xiriirka Somaliland si loo taageero nabadda Gobolka.

Ma jirto faafhaahin laga bixiyey qodobaddan, laakiin ay ku caddahay in kulanka uu yahay mid xasaasi ah oo labada dhinac ay hor yaallaan arrimo culus oo ay ka mid yihiin xiriirka dowladda Somalia iyo Kenya oo salka ku haya xuduudka Badda Somalia ee Kenya sheegatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Axmed Madoobe oo u Mahad Celiyay Guddiga Doorashooyinka (Sawirro)

Cabdi Cade

Mid ka mid ah weriyeyaashii ugu caansanaa BBC oo geeriyooday

Caydiid Ali

Wiil uu dhalay Madaxweyne Biden oo Maxkamad wajahaya (Dembiyo culus oo loo heysto)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---