Allbanaadir.com
NEWS

Buuq ka dhacay xarunta Golaha Shacabka iyo Makarfoonkii golaha oo…

Waxaa saakay buuq iyo rabsho xooggan uu ka dhacay kulanka xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib markii guddoomiyaha golaha uu soo jeediyay ajando ay si weyn uga caroodeen xildhibaannada qaar.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo saakay kulanka golaha furay, ayaa sheegay in ajandaha kulanka uu yahay in xildhibaannada u codeeyaan in kursiga xildhibaannimo uu waayay xildhibaan Maxamed Abiib oo horey guddoonka uga qaadeen xasaanadda.

Qaar kamid ah xildhibaannada golaha Shacabka , ayaa si cad uga horyimid in loo codeeyo in xildhibaan Abiib laga saaro Baarlamaanka, waxa ayna xildhibaanadan is hortaag ku sameeyeen in uu kulanka socdo, iyaga oo jabiyay makarafoonkii golaha.

Xildhibaannadan , ayaa sheegay in guddoomiyaha golaha Shacabka ka diiday in uu qabto lagana doodo mooshin ay soo diyaariyeen, waxa ayna ku eedeeyeen guddoomiye Aadan Madoobe in uusan aeyn mid dhax dhaxaad ah, waxa ayna sheegeen in isaga nafriisa shaqada ka firiisin doonaan.

Guddoomiyaha golaha Shacabka , ayaana markii dambe soo xiray kulankii golaha kaddib markii buuqa uu batay, waxa uuna guddoomiyaha caddeeyay in mooshinka uu diiday ee loo soo gudbiyay uu ahaa mid sharcidarro ah uusan qaban karin.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sirdoonka Iran oo jabsaday Xogta Saraakiisha Nuclearka Israel

Caydiid Ali

Qaar ka mid ah agaasimeyaasha Wasaaradaha DF oo xil ka qaadis wajahaya

Caydiid Ali

Shir u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo ka furmaya Dhuusomareeb(Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---