Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Saciid Deni oo Magacaabay Xilal Muhiim ah (Akhriso Digreeto)

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Taliyaha ciidanka Ilaalada Madaxtooyada maamulka Puntland iyo kuxigeenkiisa.

Saciid Deni ayaa  taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada u magacaabay G/dhexe Barkhad Cabdullaahi Yuusuf halka taliye ku xigeena uu u magacaabay in uu noqdo G/shaanle Mu’min Cabdi Shire.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sidoo kale Agaasimaha Madaxtooyada Puntland u magacaabay Maxamed Cabdilladiif Yuusuf oo horey uga soo shaqeeyay hay’adaha Samafalka ee dalka ka howlgala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo & Geelle oo wadajir xariga uga jaray safaarada Jabuuti ee Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Taliska Ciidanka Booliska DF oo sheeko cusub keenay (Akhriso)

Caydiid Ali

Wasiirro katirsan Xisbiga Daljir oo xilka laga qaadayo iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---