Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo & Geelle oo wadajir xariga uga jaray safaarada Jabuuti ee Muqdisho (Daawo Sawirro)

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ay xariga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

Dhismaha safaarada Jabuuti ayaa laga hirgeliyey degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.

Xarig-jarka safaaradaan ayaa muujineysa horumarka laga sameynayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, taasoo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen.

Waxaa xiligan halkaas ka socota xaflad balaaran oo ay ka qeyb galayaan madaxda labada dal, masuuliyiin iyo qeybaha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulada afar Isbitaal oo kuyaalla Muqdisho oo la xiray

Cabdi Cade

Trump oo hadalo isir naceyb ah ku Weeraray Ilhaan Cumar & dalka ay ka soo jeedo

Caydiid Ali

Qaraxyo aad u xooggan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo xaalka magaalada oo qasan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---