Ilhan Cumar oo ka carootay Sawirkeeda oo Darbi lagu dhajiyay (Arag Sawirka)

Ilhan Cumar oo ka tirsan aqalka wakiillada ee Koongareeska dalka Mareykanka, ayaa si weyn uga carootay sawirkeeda oo dhinaca dambe looga dhajiyay daarihii Mareykanka ee la qarxiyay sanadkii 2001-dii.

Sawirka Ilhan Cumar ayaa lagu dhajiyay Darbiga dukaan kuyaala dhismaha  xarunta baarlamaanka siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga ee galbeedka Virginia, waxaana Sawirkan lagu dul qoray ereyo cunsuriyad ka muuqatay.

Ilhan Cumar oo ka hadashay sawirkan dad badan ka caroodeen ayaa sheegtay in ay tahay mid Muslimiinta lagula xiriirinayo argagaxisa, waxa ayna tilmaantay in kooxaha falkan ka dambeeyay ay dhiiro galinayaan handadaad iyo qalalaase iyada ka dhan ah.

Ilhan Cumar Sawirkeeda Darbiga lagu dhajiyay oo ay ka muuqdeen daarihii mataanaha ahaa ee New York oo gubanaya, ayaa lagu dul qoray oraah uu micnaheedu ahaa: “Waligiin ha illoobina – ayaad dhahdeen. Aniga ayaa caddeyn ah – waad illowdeen”.

“La yaab malaha inaan ku jiro liiska dadka “la doonayo in la dilo” ee kooxaha argagixisada ee gudaha ay raadsanayaan iyo waliba in kaalinteyda shidaalka lagu qoray ‘Ilhaan hala khaarajiyo, Wax kaleba iska daaye, siyaasiyiinta garabka Jamhuuriga ayaa magaalooyinka caasimadaha u ah gobollada kusoo bandhigaya sawir islaam-nacayb ah oo ila xiriirinaya argagixisada, mana jirto cid cambaareyneysa”. Ayey tiri Ilhan Omar.

Siyaasiyiinta Jamhuuriga ee kasoo jeeda galbeedka Virginia ayaa sheegay in aysan taageerin hadal nacayb ah isla markaana ay qofkii sawirka meesha ku dhajiyay ka dalbadeen inuu ka fujiyo.

Ilhan Cumar ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay dagaal siyaasadeed  adag kala kulmeysay Siyaasiyiinta xagjirka xisbiga Jamhuuriya uu ugu horeeyo Madaxweyne Trump iyo sidoo kale Siyaasiyiinta iyo Warbaahinta taageerta Yahuuda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -