Duqa Garoowe & wefdi uu horkacayo oo la kulmay jaaliyada Soomaalida Nederlands (Sawirro)

Wafdi uu hor-kacayey duqa magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland Axmed Siciid Muuse [Axmed barre] oo maalmahan booqasho ku joogay Nederlands ayaa xalay kulan kula qaatay hormuudka jaaliyadda Soomaaliyeed magaalada Utrecht.

Kulankan, ayaa ahaa mid la soo gole-joojiyey aqoonyahanno khibrad u leh habka maamulka & maareynta, soona qabtay shaqooyin heerar degmo iyo gobol intaba isugu jira, waxaanna kulanka lays ku weydaarsaday aa’raa la xiriirta sida loo hormarin kara bulsho iyada oo wax waliba gunta hoose laga soo billaabayo, waxaanna dadkii ka hadlay ka mid ahaa Cali Faragaab ugu ballaaran Nederlands, isaga oo tilmaamay in ay muhiim tahay in shaqo kasta ee la qabanayo la diiwaangeliyo.

“Dowladda hoose waa udub-dhexaadka horumar kasta ee ay bulshada ku tillaabsato, shaqo kasta ee la qabanayo waxaa lagama maarmaan ah in la diiwaangeliyo, dowladda hoose waa in ay ka faa’ideysataa shaqsiyaad xirfadlayaal ah oo shaqada ay qabanayaan loo tababaro” Ayuu yiri Cali Faragaab, wuxuu intaasi raaciyey in dalka [Ghana] uu ka mid yahay dalal ka faa’ideystay tababaro ay bixiyaan hay’ado caalami ah oo tababar u sameeya dadka qabanaya adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada.

Cali waare oo madax ka ah dallada FSAN oo ay ku middeysan yihiin in ka badan 62 ururo Soomaali ah ayaa si koobban ugu sharaxay duqa Garoowe iyo wafdigiisa xaaladda dalkaasi & wada-shaqeynta ka dhexeysa mushtamaca Soomaalida ee dalkan ku nool.

“Waxaa la tilmaamaa dalkan Nederlands, Soomaaliya ayaa 16 jeer ka weyn dhul ahaan, dhulka uu ku fadhiyo baliciisa dadku waxeey yiraahdaan wuxuu u dhigmaa gobolka J/hoose, waxaa ku nool tiro ahaan dad dhan 17 milyan, 1 milyan ayaa muslimiin ah, 40 kun oo Soomaali ah ayaa lagu qiyaasaa Soomaalida deggan, dalladda FSAN mashaariic ay wada fuliyeen wasaaradda arrimaha dibedda dalkan waxaa ka faa’ideystay dad aqoon la bidayey oo loo diray magaalooyinka Garoowe, Hargeysa, Kismaayo & Xamar” Ayuu yiri Cali waare, isaga oo ku ammaanay Soomaalida ku dhaqan Nederlands in ay yihiin dad middeysan.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Zwolle & magaalooyinka ku dhow C/qaadir Cali [Nuune] ayaa ka mid ah dadkii kulankaasi ka hadlay.

C/qaadir Nuune oo sheegay inuu bartay cilmiga dhaqaalaha ayaa tallooyin waxtar leh u gudbiyey duqa Garoowe, waxaanna tallooyinkiisa ka mid ahaa; habka uruurinta daqliga canshuuraha & sida loo kala hormarinayo adeegyada ay bulshadu u baahan tahay, isaga oo tilmaamay in ay muhiim tahay in duqa Garoowe uu ka shaqeeyo in dadka ku hoos nool maamulkiisa ay helaan adeegyada tacliinta iyo caafimaadka oo uu ku tilmaamay 2 rukni oo muhiim ah.

“Raasumaalka ugu wanaagsan ee aad dadka kaga tegi kartaahi waa inaad ubadka soo koraya iyo caruurtu ay helaan adeeg waxbarasho, dadkeenu waxeey u baahan yihiin in wacyiga laga dhiso” Ayuu yiri Guddoomiyaha jaaliyadda Zwolle aqoonyahan C/qaadir Nuune.

Shukri Said oo ka mid aheyd shaqsiyaadkii kulanka soo qabanqaabiyaasha isla markaana safka horena kaga jirta dadka Soomaalida ee aqoonta & khibrada la bido ayaa dhinaceeda hadalo soo dhoweyn ah oo ay kulankaasi ka jeedisay kaddib waxaa ay xustay in bulsho kasta horumarkeeda ku xiran yahay shaqsiyaadka madaxda ka ah adeegyada halbowlaha u ah bulshadaas, waxaanna Shukri ay ku boorisay duqa Garoowe inuu seeska u dhigo hannaan maamul oo cadaalad iyo isla xisaabtan ku dhisan.

“Horumarka magaalada Garoowe ka jira wuxuu billow fiican iyo tusaale u yahay in bulsho kasta ee magaalo deggani horumarkeeda in aysan ka sugin in dusha sare lagaga keeno, ee horumarka dhabta ah uu yahay mid iyagu ay sameyn karaan” ayeey tiri Shukri Said, iyada oo intaasi raacisay in qofkasta ee xil haya ay taariikhdu qoreyso dhaxalka uu bulshadiisa kaga tago.

Shukri waxaa kale oo ay hoosta ka xariiqday in looga baahan yahay dowlad goboleedka Puntland in ay ilaaliso kootada haweenku ku leeyahay maamulka, loona meelmariyo sida ku qoran distuurka Puntland.

Duqa Garoowe Axmed barre oo hadal dheer u jeediyey jaaliyada ayaa ka warbixiyey muddada lixda billood ku dhow ee uu hayey xilka duqa Garoowe waxyaabihii uu qabtay iyo shaqooyinka iminka u qabyada ah ee uu doonayo inuu dhammeystiro.

Axmed barre, isaga oo ka mahad-celinayey soo dhoweynta loo sameeyey wuxuu xusay in socdaalka isaga & wafdigiisu ku yimaadeen Holland uu ka dhashay casuumaad ay ka heleen duqa magaalada [Rijswijk] Micheal Bezuijen, ayna raadinayeen khibrad dhanka maamulka iyo horumarka la xiriira, isaga oo u mahad-celiyey Eng. Guuleed Axmed oo madax ka ah xafiiska isku xirka dowladda Nederlands & dowlad goboleedka Puntland, ahaana shaqsigii fududeeyey safarka wafdiga.

“Waxaan booqanay degmooyin ka tirsan dalkan, waxaanna la kulanay madax kala duwan, waxaan rajeynayaa in aqoonta aan halkan ka kororsano in aan ku tayeyn doono horumarinta hay’adaheena dowliga ah” ayuu yiri Axmed barre, isaga oo intaasi raaciyey in Garoowe ay kaalinta saddexaad kaga jirto magaalooyinka Afrika ee kobacoodu degdegta ku socdo.

Wafdiga duqa Garoowe waxaa ka mid ahaa isu-duwaha ururka dowladda hoose Axmed yaasiin oo kulanka ka jeediyey kelmado aad u qiimo badan, wuxuuna tilmaamay Axmed in ururka dowladda hoose ay qabteen shaqooyin waxtar u leh bulshada ku dhaqan Puntland, loona aayi doono.

“Anigu, waxaan ku dhashay Qaran hoostiis, waxaan wax ku soo bartay canshuurtii dadka Soomaaliyeed laga qaaday, waxaan doonayaa inaan gudo abaalkii waxbarasho ee ay heleen aniga & dadkii ila ayniga ahaa, waxaan ka soo shaqeeyey Baydhabo, Marko, Kismaayo iyo gobolo kale” Ayuu yiri Axmed yaasiin.

Axmed Cabdi oo barnaamijka xiriiriye ka ahaa ayaa fursad u siiyey dadkii kulankaasi ka soo qeybgalay  inay su’aalo weydiiyaan wefdiga duqa Garoowe, waxaanna ugu dambeyntii kulankaasi soo xiray Eng. Xandule oo horay wasiir ka soo noqday TNG-dii Carta lagu soo dhisay ayaa kelmado dardaaran ah u jeediyey wafdiga Garoowe ka yimid.

- Advertisement -