Axmad Nuur Tooxow oo galabta Muqdisho lagu dilay & askarigii dilay oo..

Howlgal ay saacadihii la soo dhaafey sameeyeen Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Dayniile ayaa lagu soo qabtey askari ku eedaysan inuu  dil toos ah u geystey  Muwaadin Soomaaliyeed

Galabta Abaaro. 5:14pm. ayaa waxaa uu dil ka dhacay Degmada Deyniile  Gaar ahaan Daarusalaam  Xaafada Reer Godleey.

Waxaan Dilkaas Lagu eedeeyey Inuu si toos ah u geystey      Mahad Cali Maxamuud, iyadoo ninka la dilayna magaciisa la yiraahdo Marxuum  Axmad   Nuur   Tooxow  sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay booliska Somalia

“Eedeysanaha dilka geystey  iyo agabkiisaba  waxaa si toos ah loogu wareejiyey  Hoggaanka Baarista dembiyada C.I.D  Halkaas oo lagu baari doono   Si loo horgeeyo Maxkamada Ku Shaqada leh” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska

Wiilkan la dilay ayaa shalay bartiisa Facebook kusoo qoray tacsida xubno qaraabo la ahaa oo ka mid ahaa shaqaalihii shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee qaraxa miino lagu dilay, waxaana xiliga la dilayey galabta uu ka soo laabtay aaska xubnaha eheladiisa ka midka ahaa ee shalay qaraxa lagu laayey.

HOOS KA DAAWO SAWIRKA MARXUUMKA

- Advertisement -