Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Dayuurad ku burburtay duleedka degmada Buulo Burde & faahfaahino ka soo baxaya

Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya Degaanka Biyo-neef oo hoostaga Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiran, waxaa halkaasi galabta ku dhacday dayuurad nooca Drones-ka.

Dayuurada ayaa ku dhacday dhul banaan oo miyiga degaankaas ku yaalla halkaasoo ay ku burburtay, iyadoo dhowr cad u kala jabtay.

Waxay sidoo kale wararku intaas ku darayaan dayuurada burburta ayy dul heehaabayaan Dayuurado kale oo nooca dagaalka ah taasoo cabsi ku abuurtay dadka ku nool Degaanadaas.

Inkastoo aysan jirin cid weli sheegatay iney leedahay dayuuradan ayaa waxaa hadana waxaa la rumeysan yahay iney leeyihiin ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia oo dayuuradaha noocan ah sanadahan dambe u adeegsanayey basaasida iyo duqeymaha ka dhanka ah Al-shabaab.

Dayuurado badan oo noocan ah ayaa sanadihii la soo dhaafay ku dhacay degaano kala duwan oo ay ku jiraan meelaha ay maamulaan Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo Wadahadal la yeeshay Wakiillo katirsan Beesha Caalamka

Cabdi Cade

RW Ku xigeenka & wafdi uu horkacayo oo Baydhabo gaaray

Caydiid Ali

Fannaanad caan ah oo isaga baxday Fanka kaddib geerida labo wiil ay asxaab ahaayeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---