Maraykanka oo shaaciyey hadafka ay Al-shabaab ka leedahay Weerarada shacabka

Dowladda Maraykanka ayaa cambaaraysay Kooxihii ka dambeeyay weerarradii 28-kii Febraayo ka dhacay xarumo ganacsi oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Washington ayaa sidoo kale ammaan u soo jeedisay tallaabooyinka geesinimada leh ee ay Ciidamada amniga Soomaaliya nafdooda ugu hureen ka hortagga kooxda weerarka soo qaadday iyo sida ay u dadejiyeen taakuleynta Dadkii dhaawacmay ee ku xannibnaa halka ay wax ka dhaceen, taasoo sahashay badbaadinta Naf badan.

Dowladda Maraykanka ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Qoysaska iyo saaxiibbada dhibbanayaasha la dilay ama ku dhaawacmay weerarkan.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Ambassador; Donald Yamamoto, ayaa lagu sheegay in ay Al-Shabaab mar kale muujisay in aysan u haynin nolasha Dadka Soomaaliyeed wax tixgilin ah.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay Kooxda Argagixisadu leedahay Hal hadaf oo ah in laga hortago horumarka, nabadda iyo barwaaqada ay ku tallaabsanayso Soomaaliya.

“Dowlada Maraykanka waxa ay xaqiijineysaa dedaalka xooggan ee ay siineyso Dadka iyo  xukuumadda Soomaaliyeed, iyada oo Gacan ka geysaneysa ​​dedaallada wadajirka caalamiga ah,  taas oo lagu doonaayo dhisidda Dal xoog leh oo Dadkiisa u horseeda barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xafiiska Amb; Yamamoto.

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 100 kalena wey ku dhaawacmeen qaraxyo iyo weerar toos ah oo habeen hore ka dhacay goobo ganacsi oo ku yaalla wadada Maka Al Mukarama.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -