Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaar kamid ah Wadooyinka magaalada Muqdisho oo saakay xiran

Qaar kamid ah Wadooyinka muhiimka ah magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran, waxaana wadooyinkaasi loo diidayaa in ay maraan gaadiidka dadweynaha iyo sidoo kale gaadiidka caadiga ah ee wataan dadka shacabka ah.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa ku sugan qaar kamid ah Isgoosada magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidanka diidayaan in wadooyinkaasi ka gudbaan gaadiidka dadwenaha iyo kuwa rayidka.

Lama oga sababta saakay loo xiray qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana xirnaashaha wadooyinka dhibaato xoogan ku qaba dadka shacabka ah ee howlaha shaqo, caafimaadka iyo waxbarashada u socday.

Xirnaashaha wadooyinka saakay ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho habeen hore ilaa shalay uu ka socday weerar ay soo qaadeen dabley hubeesan oo katirsan Al Shabaab kuwaa oo saacado badan ka dagaalamayay dhismo kuyaala laamiga Maka Al Mukarama.

Dowlada ayaa markii qaraxyo ka dhacaan magaalada Muqdisho ayaa jawaabta ugu horeyso ay bixiso waxa ay ka dhigtaa in la xiro wadooyinka Muqdisho, waxa ayna shacabka isweediiyaan waxa ay soo kordhineyso wado la xiro hadiiba qaraxyada aan laga hortageyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Milateriga Israel oo weeraro & dilal cusub ka geystay Daanta Galbeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka Guddoomay Safiirka Itoobiya (Sawirro)

Cabdi Cade

Weeraro Al-Shabaab ka fulin rabtay Magaalada Addis ababa oo la fashiliyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---