Al Shabaab oo Shaacisay in qaar kamid ah ragii fuliyay Weerarkii Muqdisho in iyaga oo nool ay …

Al Shabaab ayaa sheegtay in uu xalay soo gabo gaboobay weerarkii habeen hore u galeen dhismo kuyaala Laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxa ayna Shabaab sheegeen in weerarkaasi khasaaro badan ku geesteen.

Afhayeenka dhinaca howlgalada Al Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkii Muqdisho ka geesteen in uu kusoo dhamaaday si guul ah, waxa uuna xusay in weerarka ku qaadeen Hotelka Masuuliyiinta dowlada ay degnaayeen.

“Hawlagalkeenii gaarka ahaa ee ka socday  Muqdisho si guul ah ayuu kusoo dhamaaday, waxaa lagu beegsaday hoteel ay ku badanyihiin xubnaha ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dowlada, Tobanaan kamid ah ayaa halkaas lagu dilay, kuwo kalena waa lagu dhaawacay. ” ayuu yiri Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in afar kamid ah ragii weerarka fuliyay ay goobtaasi ku dhinteen, waxa uuna xusay in ay jiraan xubno kale oo Shabaab katirsanaa oo si nabad galyo usoo laabteen kadib markii weerarka wax ka fuliyeen.

” Afar kamid ah Mujaahidiintii hawlgalka fuliyay ayaa goobta ku shahiiday halka qaar kalena iyagoo badqaba ay soo laabteen kadib markii ay hawgalkii guulaystay  ay soo fuliyeen” ayuu yiri Abuu Muscab.

Ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa shalay galab soo afjaray weerar saacado badan qaatay ay fuliyeen Al Shabaab, waxa ayna saraakiisha dowlada sheegeen in la dilay dhamaan ragii weerarka ka dambeeyay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -