Weeraro Al-Shabaab ka fulin rabtay Magaalada Addis ababa oo la fashiliyey

Weerar argagixiso oo laga fulin lahaa qaybo ka mid ah magaalada Addis Ababa ayaa la fashiliyey, shaqsiyaadkii fulin lahaana gacanta ayaa lagu dhigay sida uu sheegay Birhanu Seggaye oo ah Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa.

Birhanu Seggaye wuxuu intaa ku daray in shaqsiyaadka falkaasi loo qabtay ay yihiin kuwa xiriir la leh Al-Shabaab isagoo xusay iney doonayeen iney qaraxyo ka sameeyaan goobaha ay dadku ku badan yihiin balse inta aysan falka fulin ka hor gacanta lagu soo dhigay.

Laanta sirdoonka qaranka ee dalka Itoobiya ayuu sheegay iney xireeb shaqsiyaadka weerarkan qorsheynayey oo muddo badan dabagal lagu hayey.

“Waxaa shaqsiyaadkan lagu qabtay dokumantiyo muujinayo weerarka ay damacsanaayeen qaabka ay u fulin rabeen iyo xog kale oo muhiim ah kooxdaasi la xiriirta, “Sida ay wax u damacsanaayeen haddii ay wax u dhici lahaayeenna waxaa ka dhalan lahayd khasaaro weyn” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud oo intaas ku daray  in dhawaan ay shaacin doonnaan faahfaahinta ku saabsan falalka argagixiso ee lala damacsanaa Addis ababa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -