Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Milateriga Israel oo weeraro & dilal cusub ka geystay Daanta Galbeed (Sawirro)

Ciidamada Israel ayaa sheegay iney toogteen oo dileen nin la sheegay inuu falastiini ahaa oo hubeysan intii lagu jiray qalalaasaha cusub ee ka dhacay Daanta Galbeed maanta iyadoo mowjado rabshado ah ay ka dhaceen dhulka la haysto.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadu ay darawal ku joojiyeen degaanka Deir Nidham oo ku taal galbeedka Ramallah, si ay su’aalo u weydiiyaan. Waxaa la sheegay in ninkan uu ka degay gaariga, uuna ciidamada ku tuuray bam gacmeed, kadibna uu rasaas ku furay.

Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ayaa xaqiijisay in nin 33 jir ah la dilay, balse ma bixin faahfaahin dheeraad ah.

Dhimashada ayaa ku soo beegantay xilli ay sare u kaceen rabshadaha u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Weerar ay fuliyeen ciidamada Israel ayaa lagu dilay labo dagaalyahan, halka mid saddexaad oo Falastiini ah la dilay intii lagu guda jiray banaanbax gelinkii dambe ee maanta ka dhacay bartamaha Daanta Galbeed.

Toddobaadkii hore, Israa’iil waxay soo gabagabaysay weerar ba’an oo socday laba maalmood, kaasoo loo adeegsaday awoodda hawada sare oo naadir ah iyo boqollaal ciidan.

Balse howlgalka ka dhacay xerada qaxootiga ee Jenin ayaa waxaa ku daatay dhiig badan.

Israa’iil ayaa tan iyo gu’gii 2022-ka waxa ay wadday weerarro dheeraad ah oo ay ku qaadayso deegaannada Falastiiniyiinta si ay uga jawaabto weerarrada badan ee Falastiiniyiinta.

Rabshadaha ayaa sii xoogeystay sanadkan, iyadoo sare u kacday tirada dhimashada ee labada dhinac. In ka badan 150 falastiiniyiin ah ayay Israa’iil dishay tan iyo bilowgii sanadkan, halka ugu yaraan 26 qof ay ku dhinteen weerarrada Falastiiniyiinta ee ka dhanka ah Israa’iiliyiinta.

Israa’iil waxay sheegtay in dadka la dilay intooda badan ay ahaayeen mintidiin. Laakin dhalinyaro dhagax-tuur ah oo ka gadoodsan duulaanka iyo kuwa kale oo aan ku lug laheyn iska horimaadyada ayaa iyagana la dilay.

Israa’iil waxay qabsatay Daanta Galbeed, Marinka Qasa iyo bariga Quddus dagaalkii Mideast 1967, meelahaasoo ay Falastiiniyiintu rabaan inay helaan dal madax-bannaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Jen. Subagle oo xilka ku wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM

Caydiid Ali

Shirkadda Spectrum oo War kasoo saartay Cabashada Kenya iyo Sahanka Shidaalka Somalia

Cabdi Cade

Dal kuyaala Yurub oo hal maalin kaliya cudurka Caronavirus ugu dhinteen dad ku dhaw kun qof

Cabdi Cade
Taboola Ads ---