Dowlada Soomaaliya oo shaacisay sababta Waqtiga Dheer u qaatay Weerarkii Al Shabaab

Dowlada Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay weerar saacado badan qaateen oo dagaalyahano katirsan Al Shabaab xalay ku galeen dhismayaal kuyaala Laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Xukuumada Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed la qeyb sanayaan dhibaatada kasoo gaartay weerarkii Al Shabaab kusoo qaadeen Muqdisho.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Al Shabaab beegsadaan, goobaha ay Bulshado isugu timmaaddo, sida Suuqyada, Hoteellada, Dukaamada, Waddooyinka iyo Guryaha la deggen yahay ayna dilaan dad aan waxbo galabsan.

Wasiirka ayaa ka hadlay sababta keentay in weerarka Al Shabaab soo qaadeen uu qaato saacado badan , waxa uuna xusay in raga hubeesan ee Shabaab ay gabaad ka dhigteen dad shacab ah ay guryahooda ugu galeen.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada ka fekerayeen sidii loo ilaalin lahaa nolosha shacabka loona bad baadin lahaa, waxa uuna cadeeyay in raga hubeesan lawada dili doono ama nolosha lagu qaban doono.

Ugu Dambeyn Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed  in ay Garab istaagaan Ciidamada Ammaanka, si looga gaashaanto in aysan gabbaad ka dhigan Shacabka  aan waxba galabsan.

Weerarka Al Shabaab xalay ku galeen dhismayaal ku dhaw Hotelka Maka Al Mukarama ayaa qaatay saacado badan, waxaana ilaa galabta xabado goos goos ah laga maqlayay dhismayaal ku dhaw Hotelka Maka Al Mukarama.

 

- Advertisement -