Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo kawada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal (Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Senator Abdi Hashi Abdullahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xasan bin Xamze Haashim.
 
Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Danjiraha waxaa kale ooy ka wada hadleen adkaynta xiriirka labada Dal, in Dowladda Qadar kaalin mug leh ka qaadato gurmadka abaaraha ba’an ee haatan ka jira dalka.
 
Waxa ay sidoo kale labada dhinac kawada hadleen in la dhiso xiriir wax tar leh oo wada shaqayneed oo ay wada yeeshaan Golayaasha Sharci dejinta ee labada Dal ee Soomaaliya iyo Qatar.
 
Kulanka waxaa kale oo goobjoog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Mudane Cali Maxamed Jaamac.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -