Zurabishvili oo noqotay haweeneydii ugu horeysay ee Madaxweyne loo doorto dalkeeda (Sawirro)

Salome Zurabishvili ayaa ku guulaysatay doorashadii madaxweynaha ee dalka Georgia, iyadoo sidaas ku noqotay haweenaydii u horraysay ee xilkaas loo doorto.

Diblamaasiyaddan hore ee Faransiiska ku dhalatay ayaa heshay 59%, codadkii la dhiibtay, iyadoo musharaxa Grigol Vashadze oo ay is hayeenna uu helay 40% sida uu sheegay guddiga doorashooyinka dalkaas.

Vashadze oo ahaa Wasiirkii arrimaha dibadda markii uu dagaalku dhexmaray Georgia iyo Ruushka ayaa loo arkaa inay uu u janjeero dhanka reer Galbeedka

Zurabishvili ayaa taageero ka heshay xisbiga talada haya ee Georgian Dream halka Vashadze uu u sharaxnaa mucaaradka.

Balse, Dastuur cusub ayaa dalkaas ka dhaqan galaya dhawaan, doorka madaxweynaha ayaana intiisa badan noqon doona mid maamuus.

Mss. Zurabishvili ayaa qabta in la isu miisaamo xiriirka uu dalka Georgia la leeyahay Ruushka iyo reer galbeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -