Ciidamada Gaashaan oo si rasmi ah usoo afjaray Weerarkii Al Shabaab (Daawo Sawirro)

Ciidamada dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee loo yaqaan Gaashaan ayaa si buuxda usoo afjary weerarkii Al Shabaab xalay ku galeen dhismo ku dhaw Hotelka Maka Al Mukarama.

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saacado badan ka dhax dagaalamayay dhismo ku dhagan Hotelka Maka Al Mukarama oo dad shacab ah degnaayeen, waxaana raga hubeesan qaadatay in saacado badan laga saaro dhismahaasi.

Ciidamada Gaashaan ayaa la sheegay in xili dambe kusoo biireen howlgalka ayna gudaha u galeen dhismaha raga hubeesan ku jireen oo la sheegay in uu ahaa mid cariiri ah ay adagtahay in si fudud lagu galo.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Gaashaan kahor inta aysan howlgalka si buuxda usoo afjarin dhismaha ku xireen miino taas oo sababtay in guriga bur buro ayna waxyeelo soo gaartay ragii hubeesnaa.

Ciidamada gaashaan ayaa soo saaray qaar kamid ah meydadka ragii hubeesnaa ee weerarka ku galay dhismaha ku dhagan Hotelka Maka Al Mukarama, waxaa sidoo kale bur burka dhismooyin laga soo saaray meydadka dad shacab ah.

Weerarka xalay Al Shabaab ku qaadeen dhismayaal isugu jiray Hoteelo iyo kuwa deegaan ayaa noqday kii ugu waqtiga dheeraa, waxaana sabab looga dhigay in weerarka saacado badan qaato raga hubeesan oo galay guri shacab ku jireen .

Waxaa goobta uu weerarku ka dhacay hada ka tagay ciidamada gaashaan, waxaana hada aaga weerarku ka dhacay ka bilowday olole lagu nadiifinayo si halkaasi looga qaado baabuurta gubatay iyo bur burka dhismooyinka.

 

- Advertisement -