Golaha Wasiirada cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la ansixiyay

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa la horgeeyay golaha Wasiirada maamulkaasi uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.

Kulanka ay maanta yeesheen Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa soo xaadiray 142-Xildhibaan, waxaana ajandaha kulanka uu ahaa meel marinta golaha Wasiirada cusub.

Golaha Wasiirada Cusub ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa ogolaaday in la ansixiyo 123-Xildhibaan waxaana ka aamusay hal Xildhibaan kaliya, mana jiro Xildhibaano diiday meel marinta golaha Wasiirada Koonfur Galbeed.

Gudoonka Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa ku dhawaaqay in Wasiirada ay yihiin ansax, maadaama Cod Aqlabiyad leh ay ku ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Golaha Wasiirada ee maanta helay codka Kalsoonida Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in si deg deg ah xilalka ula wareegaan un ashaqo bilaabaan, waxaana Wasiiradan u badan yihiin dhalinyaro wax baratay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -