Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Gudoomiye Madaale oo ka farxiyey boqolaal caruur ah oo agoon u badan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarunta Aqalka Dowaldda Hoose ee Xamar ku qaabilay 450 caruur Agoon ah iyo kuwa kasoo jeeda qoysas danyar ah kuwaasi oo maanta laga farxiyay, iyaga oo loo qeybiyay dharkii ay uga qeyb qaadan lahaayeen munaasabada Eidul Fidriga oo nagu soo aadan.

Munaasabadan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo Agaasime Kuxigeenka Waaxda Agoonta iyo da’yarta tabaaleysan ee Gobolka Banaadir Marwo Ilhaan Aweys Axmed.

Dadkii deeqdan Ciidsiinta ah ka faa’ideystay waxaa kamid ahaa qoysas kasoo jeeda dalka Syria iyo qaar kamid ah caruurta Baahiyaha gaarka qaba, waxaana inta ay deeqdan socotay uu Guddoomiye Madaale mid mid warbixin uga dhageystay Caruurtii iyo Waalidiintii madasha ku sugneyd.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee EEBE wax siiyay in ay u naxariistaan oo ay ilgaar ah ku fiiriyaan caruurta Agoonta ah iyo kuwa danta yar

Related posts

(Daawo Sawirro) Warar cusub oo ka soo kordhay qaraxii gaari ee ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Aabe Sacuudiyaan ah oo baraha buslshada ku baahiyay Muuqaal caro badan abuuray oo la xiray

Cabdi Cade

Kiki Gbeho oo qirtay in Soomaaliya cagta saartay Waddadii guusha iyo horumarka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---