Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ciidamada Jubbaland oo si xun ula dhaqmay Dad Kismaayo kusoo dhaweyn lahaa Musharax …

Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada amaanka maamulkaasi u diideen in garoonka Diyaaradaha galaan dad doonayay in ay soo dhaweeyaan Xildhibaan C/Rashiid Xidig oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Masuuliyiin, Wariyaal iyo dad shacab ah oo doonayay in ay qeyb ka noqdaan soo dhaweynta Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa laga hor istaagay in ay galaan garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

Ciidamada Jubbaland ayaana awood u adeegsaday kala eryida dadka soo dhaweynta isku diyaarinayay, waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada Wariyaal jirdil u geesteen sidoo kale qalab ka jajabiyeen.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ah siyaasi caan ah ayaa la sheegay in uu kamid yahay musharaxiinta dooneysa in doorashada Madaxweynaha Jubbaland kula tartanto Hogaamiye Axmed Madoobe.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xili xalay maamulka Jubbaland soo saaray qoraal cadaadis lagu saarayo Musharaxiinta dooneysa in ay la tartamayaan Madaxweynaha msamulka Jubbaland Axmed Madoobe .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii dhexmaray ciidanka dowlada Somalia & kuwa Kenya

Caydiid Ali

Rabshado xoogan oo mar kale ka bilowday magaalada Baydhabo iyo Isgaarsiinta oo la jaray

Cabdi Cade

Adolf Hitler oo ku guuleystay doorasho ka dhacday dal ka tirsan Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---