Ciidamo Huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay Deegaanka Janaay Cabdalle

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo ciidamada daraawiishta Jubbaland oo is garabsanaya ayaa goordhaw Al Shabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada huwanta ah ayaa fuliyay howlgal dhoor jiho kaga weerareen Janaay Cabdalle oo qiyaastii 60 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada milatariga iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa wada howlgalo ay ammaanka deegaankaasi ku xaqiijinayaan, waxa ayna ciidamada saldhigyo ka dhigtoo goobo ay Al Shabaab kaga sugnaayeen deegaankaasi.

Deegaanka Janaay Cabadlle ayaa sidaan oo kale waxaa horey dhoor mar ugu tagay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, hasa ahaatee ciidanka ayaa dib uga soo laabanayay deegaannadaasi .

Howlgalkan ciidanka kula wareegeen ayaan la ogeyn in horudhac u yahay howlgalka la doonayo in uu ka bilowdo deegaannada maamulka Jubbaland gaar ahaan gobolada Jubbooyinka oo Al Shabaab awood badan ku leeyihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -