Todoba caruur isku qoys ah oo ku dhintay dab qabsaday gurigooda (Daawo Sawirro)

Ugu yaraan toddobo carruur ah oo hal qoys ka soo wada jeeda ayaa ku dhintay, dab subixii hore qabsaday guri ku yaalla magaalada Halifax ee dalka Canada.

Sida ay booliisku sheegeen Nin iyo haweenay ayaa sidoo kale ku dhaawacmay dabkaas oo kacay 01:00 saqda dhexe ee saacadda Canada Talaadadii, iyadoo dab damiska uu bakhtiiyay dabka oo durba dhibaato baaxad leh u gaystay dabaqa labaad ee dhismaha.

Booliisku weli ma shaacin magacyada dadka dhintay, balse warbaahinta dalkaas qaarkood ayaa ku warramaay in guriga gubtay ay daganaayeen qoys ka soo jeeda dalka Siiriya.

Qoyskan ayaa Canada daganaa ku dhawaad sannad iyo bar waxayna tageen saaka masaajidka Ummah, halkaasoo aaska laga qabanqaabinayo.

Ilmaha ugu da’yaraa ee dabka ku dhintay ayaa jiray afar bilood, iyadoo kan u waynna uu 15 jir ahaa sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -