Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Askartii lagu dhaawacay Aw-dheegle & Bariire oo Muqdisho la keenay

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia Xasan Xuseen Xaaji ayaa ku booqday Isbitaalka xoogga ee magaalada Muqdisho dhaawacyada askar ka tirsan ciidanka Gorgor oo ku soo dhaawacmay weeraradii shalay Al-shabaab ku qaadeen Bariire iyo Aw-dheegle.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa mid mid u wareystay askarta dhaawaca ah iyo xaaladooda, isagoo warbixin ka dhegeystay dhaqaatiirta la tacaaleysa.

“Waxaad ku dhaawacanteen Difaaca dadkiina , dalkiin iyo diinteenna, naftiina ayaad u hurteen difaaca qaranimada Soomaaliya, Taariikhdana baal-dahab ah ayaad ka gasheen dadkiinana waa idin xusuusan doonaan oo qalbiyadooda kama go’i doontaan” ayuu yiri Wasiir Difaaca Soomaaliya oo la hadlayey askartaas.

Sidoo kale Waxa uu u rajeeyay Caafimaad taam ah , isagoo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka heli doonaan daryeel iyo ka warqab joogto ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Qarax ka dhacay tartan ay ka qeyb galayeen ciyaartoy ka kala timid 13 dal

Caydiid Ali

Eedo argagixiso oo loo haysto Shirkadaha iska leh Google, Twitter iyo Facebook

Cabdi Cade

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia oo jawaab kulul siiyey Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---