Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada AMISOM oo ganacsade caan ah ku dilay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo marayey laamiga Suuqa-Xoolaha oo ka tirsan degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho ayaa dilay ganacsade degaanka caan ka ah oo lagu magacaabi jiray Cismaan Abiikar Mahdi (Cismaan Bulukeeti).

Marxuumka ayaa waxaa haleeshay tacshiirad ay fureen kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo ka jawaabayey bam gacmeed lagu weeraray shalay gelinkii dambe.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa ganacsatada Suuqa Xoolaha, waxaana uu ku lahaa Makiinad lagu farsameeyo bulukeetiga loo isticmaalo dhismaha guryaha.

Marxuum Cismaan Bulkeeti 63 sano jir ahaa ayaa waxaa dilkiisa aad uga xumaaday dadka degaanka oo illaa xalay iyo maanta si weyn u hadal haya  isagoo ifka kaga tagay xaas iyo 4 caruur ah.

Ciidamada AMISOM ayaa dhowaanahan sidan oo kale dad badan oo rayid ah ku dilay degmada Heliwaa ka dib markii ay kordheen qaraxyada lala beegsado gaadiidkooda degaankaas mara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland & Jubaland oo isku qilaafsan sida loo wajahayo Farmaajo & Mucaraadka oo..

admin

Xeer Ilaalinta Qaranka oo War kasoo saartay xariga loo geestay Bishaaro Balaayo

Cabdi Cade

Wasiir Muslimiinta Sooman ee kunool Denmark ugu baaqday in shaqada iska joojiyaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---