Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) RW Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay Wakiilada beesha caalamka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay wakiillada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya,

Kulanka ayaa looga hadlay horumarrada laga sameeyay arrimaha doorashooyinka dalka iyo dar dar gelinta howlaha socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wakiillada Beesha Caalamka la wadaagay horumarka laga gaaray dadaallada uu hormuudka ka yahay ee arrimaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo go’aannadii Golaha Wadatashiga Qaranka ee la xiriiray jadwaleynta doorashooyinka.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka, ayaa sidoo kale lagu lafa guray kaalinta Beesha Caalamka ee  taageerida farsamo iyo dhaqaale ee hirgelinta doorashooyinka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Midowga Yurub oo wada qorshe dib loogu celinayo qaxootiga codsigooda la diiday

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo wasiirro badan xilka ka qaaday kuwa cusubna magacaabay (Magacyada)

Cabdi Cade

Gudoomiyihii Maxkamada Sare ee ciidamada Puntland & xubno kale oo xilakii laga qaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---