Cabasho Xoogan oo kasoo yeertay Gaadiidleyda Xamuulka kasoo qaada Dekadda Muqdisho

Gaadiidleyda Dekadda Magaalada Muqdisho kasoo daabusha alaabaha kasoo dega ayaa ka cabanaya lacago ay sheegeen in si sharci daro ah uga qaadaan lix shirkadood oo maamulka Dekadda u qaabilsan diiwaan galinta gaadiida Dekadda wax ka daabusha.

Qaar kamid ah Gaadiidleyda Dekadda alaabaha kasoo qaada ayaa sheegay in halkii baabuur oo dekadda galaya laga qaadayo lacag dhan 150-dollar , waxa ayna sheegeen in boonada loo jaro lagu qorayo kaliya 10-dollar .

Afhayeenka Guddiga Gaadliidleyda cabaneysa Cabdulaahi Cali Mujaahid ayaa sheegay in Dekadda la dhigtay isbaaro sharciyeesan oo aysan jirin cid wax ka qabaneysa, waxa uuna xusay in lacago badan aysan awoodin gaadiidleyda laga qaado.

”Halkii gaari ee Dekadda doonaya in uu alaab kasoo qaado boonada uu ku galayo dekadda waxaa looga qaadayaa 150-dollar, waxaana boonada loogu qorayaa kaliya 10-dollar, hadii aadan lacagtaasi lagaa rabo aadan dhiibin dekadda laguuma ogolaanayo in aad gasho, lacagtan xooga noolaga qaado rag baa kala qeybsada oo ku heshiiyay” Ayuu yiri Afhayeenka Gaadiidleyda cabaneysa.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in cabasho ugu tageen Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Oomaar una balan qaaday in uu arintan wax ka qabanayo balse aysan arintaasi dhicin, waxa uuna sheegay in Wasiirka raga baada ka qaata gaadiidka si kale wax ugu sheegeen go’aankiisana badaleen .

”Adeer waxaan kuu sheegayaa cid loo dacwoodo oon alle aheyn ma jirto, Wasiirkii aan u dacwoonay lacagta nalaga qaado ayaa wax looga qoondeeyay, Maareeyaha dekadda sidoo kale, saldhiga booliiska dekadda hadaad tagto albaabka laga soo celinayaa, rag baa noo heshiiyay oo kala qeybsada lacagtan sharci darada ah ee noolaga qaado, Madaxda dowlada hadaan u caban laheyn rag baa naga hortaagan ” Ayuu yiri Cabdulaahi Cali .

Gaadiidleyda ka cabaneysa shirkadaha lacagta baada uga qaada Dekadda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay qarka u saaran yihiin in ay shaqada joojiyaan, waxa ayna Madaxda dowlada ugu baaqeen in cabashadooda wax uga qabtaan si deg deg ah.

Gaadiidleyda alaabaha kasoo daabusha Dekadda Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in aysan ka gudbi karin labada koontarool ee Muqdisho ayna yaalaan isbaarooyin kale oo lacago kale oo baad ah looga qaadayo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -