Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW ku-xigeenka Somalia oo la kulmay Wasiirka Arrimaha dibeda ee Sacuudiga (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka federaalka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan Wasiirrada Maaliyadda iyo Xannaanada xoolaha, xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta magaalada Riyaad kula kulmay Wasiiro ka tirsan Boqortooyada Saudia Arabia.

Wasiirada iyo Mas’uuliyiinta kale ee kulamada uu la qaatay Ra’isul Wasaare ku-xigeenka oo kala ah wasiirka arrimaha dibada, wasiir ku-xigeenka Maaliyada sii hayaha Wasiirka ganacsiga, iyo ku-xigeenka Madaxa Sanduuqa Horumarinta Sucuudiga ayay ka doodeen xariirka labada dawladood.

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sucuudiga, Dr. Ibrahim bin Abdul Aziz Al-Assaf, kala hadlay isbedelka ballaaran ee ka socda dalka iyo xoojinta xiriirka walaaltinnimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wasiirrada kale ayaa Ku-xigeenka Wasiirka Maaliyadda ee Sucuudiga, Dr. Hamad bin Suleiman Al-Bazai kala hadlay qorshaha dib u qaabaynta dhaqaale ee Soomaaliya, Iyagoo sidoo kale ku-simaha Wasiirka ganacsiga kala hadlay adkaynta xariirka ganacsi ee taariikhiga ah ee Sucuudiga iyo Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada wax ka beddel ku sameeyay xeerka habka ciqaabta Soomaaliya

Cabdi Cade

Muxuu ka dhigan yahay weerarka khal-khalka badan abuuray ee Iran ku qaaday Israel?

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo ku dhawaaqday go’aano looga hortagayo cudurka EBOLA

Caydiid Ali
Taboola Ads ---